SO | EN

Ciidamo katirsan boliiska dowlad deegaanka Somalida oo lagu dilay deegaanka Dacawaley

|

Jigjiga (KAAB TV) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay maleeshiyaad hubeysan ka gaysteen degaanka Dacawaley oo ka tirsan gobolka Faafan ee dowlad deegaanka Soomaalida, halkaasi oo lagu dilay ciidamo ka tirsan kuwa is-maamulka.

Sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka, weerarkan ayaa lagu dilay ugu yaraan 5 askari oo ka tirsan boliiska dowlad deegaanka, kadib markii weerar gaadmo ah ay kusoo qaadeen dabley hubeysan oo bartilmaameedsatay xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Dacawaley oo ay ka jirto xiisad xooggan.

Sidoo kale, Weerarkan gaadmada ah ayaa salka kuhaya dagaal shalay ka dhacay deegaankaasi kaas oo dhex-maray ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida iyo maleeshiyaad kasoo jeeda deegaanka, kaas oo khasaare xoogan dhaliyay, kadib markii ay isku dhaceen labada dhinac.

Dhanka kale, is-maamulka Soomaalida Itoobiya oo ka hadashay dagaalka ayaa sheegtay in uu u dhaxeeyay ciidamadooda iyo dablayda hubaysan uuna yimid, kaddib markii ragga hubeysan ay weerareen qaar kamid ah Masuuliyiinta degaanka iyo xubno Boliis ah.

“Ciidamada la weeraray ayaa xilligaasi deegaanka u joogay xallinta xiisadda colaadeed ee halkaas ka jiray, kadibna waxa ay la kulmeen weerar uga yimid dableyda hubeysneyd.” sida lagu sheegay warka kasoo baxay is-maamulka dowlad deegaanka Soomaalida.

Is-maamulka ayaa sidoo kale, sheegtay in hadda ay waddo dedaallo dheeraad ah oo looga hortagayo xiisaddaasi, waxayna baaq nabadeed u dirtay shacabka degaannada ay colaaddu ka dhacday, iyada oo ka dalbatay in nabadda iyo xasilloonida ay ka shaqeeyaan.

Sikastaba, arrintan kaddib markii  dil kale oo todobaadkii hore agagaarka deegaanka Dacawaley loogu gaystay madaxii amniga ee degmada Yoocaale iyo labo qof oo la socotay, waxaana ka dambeeyay dilkooda dabley hubeysan oo aan la garan heybtooda iyo halka ay ka yimaadeen, iyagoona dilka kadib goobta isaga baxsaday.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News