SO | EN

SO | EN

Ciidamo la wareegay qaybo ka mid ah Garoowe iyo xiisad ka taagan

|

Garoowe (Kaab TV) – Xiisad ayaa ka taagan magaalada Garoowe ee xarunta dawladd goboleedka Puntland, ka dib markii ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta mucaaradka oo ka soo horjeeda xukuumadda madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ay fariisimo ka samaysteen bartamaha magaalada iyo weliba inta badan wadooyinka aada xarunta golaha baarlamaanka ee Puntland.

Ciidamadan hubaysan ayaa joojiyey isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee goobaha ay fariisimada ka samaysteen.

Arrintan ayaa kor u qaaday walaaca amni ee laga qabo, isku dhac dhex mara ciidamadan ka amar qaadanaya siyaasiyiinta mucaaradka, iyo weliba ciidamada dawladda ee weli ku sugan aagga xarunta baarlamaanka.

Ciidamadan hubaysan ayaa ka soo horjeeda in baarlamaanku uu furo dastuurka Puntland, taas oo la filayo in golaha baarlamaanku uu guda galo dooddiisa maalmaha soo socda, haddii la isku raacana, wax ka bedel lagu sameeyo qodobka khusayana kordhinta tirada xisbiyada ay yeelanayso Puntland.

Illaa hadda xukuumaddu kama hadlin, dhacdadan amni ee ku soo korodhay magaalada Garoowe, taas oo si weyn loo hadal hayey 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey.

Tallaabadaan ayaa kusoo aadeysa xilli ay horay u jireen in qeyb kamid ah Magaalada Garoowe qabsadeen ciidamo diidan in doorashada qofka iyo codka ah laga qabto Magalada Garoowe iyo saddex degmo kale oo katirsan Gobolka Nugaal , kuwaas oo aan weli xal laga gaarin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News