SO | EN

SO | EN

Ciidamo Macawisleey ah oo Shabaab kala wareeegay deegaanka Caad

|

Caad (kaabtv) – Ciidamada Macawisleyda ee ka dagaalamaya koonfurta gobolka Mudug ayaa galabta gudaha u galay magaalada Istaraatiijiga ah ee Caad.

Magaalada Caad oo dhacda koofurta gobolka Mudug, ayaa mid ah goobihii ugu dambeeyey ee Shabaab ay ka joogeen gobolkaas.

Howlgalka galabta lagu xoreeyey Caad waxaa horkacayay Guddoomiye ku xigeenada degmada Xarardheere iyo guddoomiyaha deegaanka Ceelhuur,masuuliyiin kale iyo saraakiil deegaanka ah.

Sida ay masuuliyiintaasi u sheegeen warbaahinta , waxaa gebi ahaanba Caad iyo nawaaxigeeda iskaga cararay kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug oo dhowr toddobaad ku sugnaa hareeraha deegaanka Caad ayaan weli gudaha u gelin magaaladaas, waxaana galay ciidamada deegaanka oo kaliya.

Wax dagaal ah galabta kama dhicin magaalada Caad, waxaana si nabad ah u galay ciidamada deegaanka, halka kooxdii joogtay ee A-Shabaab ay isaga baxday.

Sidoo kale magaalada Caad waxaa naloo sheegay in dadkii deganaa aysan ka qaxin oo sidoodii ay u degan yihiin magaalada,waxayna dadku soo dhaweeyeen ciidamada u yimid.

Sawirro laga soo qaaday goobaha muhiimka ah ee magaalada Caad ayaa muujinaya burbur iyo duruuf aan caadi aheyn oo ka jirta magaaladaas oo abid ay Shabaab heysteen.

Beri ayaa lagu wadaa in ciidamada xoogga dalka ay gudaha u galaan magaalada Caad,

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News