Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Ciidan beeleed oo xirtay waddada laga galo Villa soomaalia

|

Muqdisho (Kaab TV) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka furmay shir ay leedahay beesha Murusade (Karinle -Hawiye), kaasi oo loo xiray wadada Maka Al-Mukarama.

Gaadiidka dagaalka ee Tiknikada loo yaqaano oo beeshaani leedahay ayaa la dhigay agagaarka Hotelka Dayax oo ku yaalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Sayidka ee laga ilaaliyoa Madaxtooyada iyo Dabka ee wadada Maka Al-Mukarama.

Agagaarka Hotelka shirka ka socdo ee Dayax ayaa waxaa laga celinayay gaadiidka, si loo sugo amniga shirka, taasi oo hadal hayn badan dhalisay.

Arrinta lama filaanka ku noqotaya shacabka reer Muqdisho iyo bulshada Soomaaliyeed ee sida weyn loo hadal hayay ayaa ah in ciidan u abaabulan hab beeleed ay xirtan wadada ugu mashquulka badan ee caasimada dalka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in taliska Booliska gobolka Banaadir uu markii dambe la wareegay ammaanka shirka beesha Murusade, kaasi oo looga tashanayay aayaha beesha.

Tallaabada taliska ayaa imaneysa kadib markii ay shacabka reer Muqdisho iyo bulshada Soomaaliyeed si weyn uga fal-celiyeen arrintaan, iyaga oo ku tilmaamay mid aan la aqbali karin in beel iska xirato, ayada oo dowladda joogto

Beelo badan oo ka cabanaya hanaanka awood qeybsiga dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa toddobaadyadii dambe shirar ku yeeshay gudaha dalka iyo dibadda, balse waa markii ugu horeysay ee beeluhu iyada oo awood adeegsanaya xirtaan wadooyinka Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan duray shirarka ay beeluhu qabsanayaan ee lagu muujinayo tabashada dowladda uu hoggaamiyo, isaga oo sheegay in arrintaas fursad siinayso kooxda Al-Shabaab, oo howl-galo ka dhan ah ka socdaan dalka.

Beeshaan maanta shirka kuqabsatay magaalada Muqdisho ayaa kamid ah beelaha lagu dulmiyay awood qeebsiga Dowlada.

Marka loo eego soomaalia waxay wax kuqeebsataa nidaamka 4.5 taasi oo cadeen u ah in Soomaaliya aysan wali kabixin qabaa’ilka.

waxaa dhawaan magaalada Muqdisho kushiray 4 beelood oo kacabanaya awood qeebsiga Dowlada halka beesha 5 ay kushirtay dalka dibadiisa  waxaa soo shaac baxaaya in Tareenka madaxweyne Xasan sheekh ay kadageen beelahaasi oo sheegtay in lagu dulmiyay awood qeebsiga dowlada.

Arintan aadka loo hadal haayo ayaa imaneysa xili weerar lagu qaaday rag katirsanaa Macwiisleeyda gobolka Hiiraan oo lagu baxnaaninaayay magaaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan sheekh ayaa dhawaan khudbad uu kajeediyay magaalada Kismaayo kaga hadlay shirarka beelahaas iney keeni karto  kafaa’iideesi Al-Shabaab ay naga faa’iideestaan qilaafka dhexdeena yaala.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News