Boosaaso (KAAB ) Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay la wareegeen kantaroolka laga ilaaliyo dekada magaalada Bosaaaso ee gobolka Bari
Sida ay sheegayaan dad ku sugan magaalada Boosaaaso ayaa sheegay in xaalad hubinti la’aan ah ay ka jirto magaalada sabab la xiriirta in meelaha qaar lagu arkayo ciidanka gadoodsan.
Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in muddo lix Bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah.
Waxa ay sheegeen saraakiishan , in aysan dib ugu laaban doonaan fariisimahooda ilaa ay ka helaan xuquuqdii ay lahaayeen waxayna ku warameen in aysan jirin masuul maamulka ah oo arintooda ka hadlay.
Ciidanka gadoodka sameeyay oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland ayaa la soo sheegayaa in ay isku hor-fadhiyaan Koontoroolka laga galo Dekadda Boosaaso Ciidada ilaaliya dekadda.
Ilo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in laga cabsi qabo in fooda ay is daran ciidanka is horfadhiya ee daraawiishta – mushaar la’aanta ka cabanaya iyo kuw ilaalada dekada magaalada .
Saraakiisha Puntland wali wax war ah ma aysan ka soo saarin xiisada ka dhalatay gadoodka mushaar la’aan ee ciidanka daraawiishta maamulka Puntland.
Bilihii la soo dhaafay ayaa Ciidan badan oo katirsan kuwa Puntland ay sameeyeen gadood ay uga cabanayaan mushaar la’aan, waxaana qaarkood ay xirteen waddooyin muhiim ah oo kuyaalla degaannada Puntland.