Boosaaso (KAAB TV) – Laamaha ammaanka Puntland ayaa qabtay doon looga shakisan yahay in ay katimid dhinaca dalka Yemen, taas oo waday Tuutooyin iyo agabyo kale oo ay isticmaalaan ciidamada.
Sidoo kale, war qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka hawlgalka la-dagaallanka argagixisada ee Puntland ,ayaa lagu sheegay in ciidamada amniga gobolka Bari, ku guuleesteen in ay qabtaan doon siday dharka tuutaha ciidamada iyo agabyo kale oo ay isticmaalaan ciidamada.
Dhanka kale, warka qoraalka ah ee kasoo baxay taliska ciidanka howlgalka ciribtirka argagixisada ayaa intaasi ku daraya in doontaasi iyo raggii watay oo dhammaantood Soomaali ah lagu qabtay xeebta degaanka Qaw oo ka tirsan degmada Boosaaso.
“Ciidanku waxay gacanta ku hayaan oo baaritaan kuwadaan, Doon waday Tuute iyo Agabkale oo Ciidan iyo ragii watay, Doonta oo Raga wata ay Soomaali yihiin waxa laga qabtay Biyaha deegaanka Qaw ee Gobolka Bari” ayaa lagu yiri Warka ka soo taliska ciidanka howlgalka ciribtirka argagixisada Puntland.
Sikastaba, howlgalkan ay Puntland ku qabatay doonta waday agabka ciidan ayaa kusoo aadaya xilli gobolka Bari gaar ahaan buuraha Calmiskaad ay ka socdaan howlgal ka dhan kooxda Daacish, waxa ayna Puntland howlgalkaasi ka gaartay guulo waa weyn.