Deegaanka Cali Xaaji (Kaab TV) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa Arbcada maanta ah sheegay inuu billaabay dhimista tirada ciidamada, si waafaqsan qorshaha amniga loogu wareejinayo ciidamada qaranka Soomaaliya.
“ATMIS waxay billowday yareynta ciidamada si waafaqsan qaraarka QM oo ku qasbaya ATMIS inay 2,000 oo askari kala baxdo Soomaaliya dhammaadka June 2023,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ATMIS.
ATMIS ayaa sheegtay inay saldhig ciidan oo ay ka howlgalayeen ciidamada Burundi oo ku yaalla gobolka Sh/dhexe u gacan gelisay ciidamada xoogga dalka.
Taliyaha ciidanka ee ATMIS ee degaanka Xaaji Cali, Lt. Col. Richard Bimenimana, ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay saldhigooda ciidamada Qaranka ee Soomaaliya, Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay saraakiil ka tirsan labada dhinac.
“Sanadihii la soo dhaafay, waxaan si dhow ula shaqeynay Milateriga Somalia, iskaashigani si weyn ayuu wax uga taray xasilloonida iyo amniga ee aaggan mas’uuliyadaha amniga wixii hadda ka dambeeya waxaan ku wareejinay ciidanka Qaranka Somalia “ayuu yidhi Lt. Col. MusaAU.
Taliyaha xoogga dalka ee degaanka Xaaji Cali, Major Bashiir ayaa uga mahadceliyay ATMIS wareejinta xarunta. Wuxuu xusay in talaaadani ey qeyb ka tahay qorshaha ciidanka xoogga dalka loogu wareejinayo amniga dalka.
degaanka Xaaji Cali wuxuu ku yaalaa meel qiyaastii 70km waqooyiga bari kaga toosan Muqdisho, Waa qayb ka mid ah toddobo xero oo illaa dhamaadka Juun 2023 lagu wareejinayo ciidanka xoogga dalka.
Tallaabadan ayaa imaneysa ayada weli ay socdaan weerarada dhimashada leh ee kooxda Al-Shabaab, inkasta oo dowladda ay waddo howlgallo ka dhan ah kooxda oo ATMIS ay taageereyso.
Bishii tagtay kaliya, 54 askari oo ka mid ah ciidamada nabad-ilaalinta Uganda ayaa la dilay markii Al-Shabaab ay weerareen saldhig ku yaalla deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose.
Weerarkaas ayaa ahaa mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii dowladda ay billowday howlgal xooggan oo ka dhan ah kooxda bartamihii sanadkii tegay.
Howlgalka ATMIS ayaa April sanadkii tegay beddelay howlgalka AMISOM, oo ka koobnaa 20,000 oo askari oo kala kala yimid dhowr dal oo ay ka mid yihiin Burundi, Kenya iyo Uganda.