Afgooye (KAAB TV) – Ciidamada booliiska Soomaaliya ee ku sugan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa maanta gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaas oo la doonayay in dhibaato loogu geesto shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, war kasoo baxay taliska ciidanka booliiska Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay gaari ay sheegeen in loo soo waday magaalada Muqdisho, kaas oo ay tilmaameen in la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, booliiska ayaa sheegay in waxyaabaha qarxa ee gaariga lagu qabtay lagu soo qariyay sameecadaha waa weyn si loogu qiyaameeyo ciidanka booliiska, waxa ayna taliska booliiska Soomaaliya sheegeen in ciidamada u suurto gashay in ay ka war helaan dhagarta kooxda Al-shabaab.
”Walxahan Qarxa ayaa dhagar qabayaashu ku soo farsameeyeen sameecadaha cod baahiyaasha ah , waxaana ay ku talagaleen in si farsameysan Ciidamada ku dhaafiyaan balse waa ay u suurageli waysay maadaama Ciidamadu u diyaarsan yihiin ka hortagga farsamooyinka cusub ay adeegsanayaan Khawaariijtu marwalbo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliiska.
Ugudambeyn, booliiska Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidamada kahor taga qaraxyada ku guuleesteen in ay fur furaan qaraxyadii gaariga laga soo buuxiyay, waxa ayna xuseen in booliiska har iyo habeen u taagan yahay fashilinta dhagarta kooxaha cadawga ah.