Kismaayo (Kaab TV) – Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo garab ka helaya ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa howlgal qorsheesan ka fuliyay deegaanno dhaca inta u dhaxeysa Kismaayo iyo Afmadow, halkaas oo lagu arkay dagaalyahanno katirsan Al-Shabaab.
Howlgalkan ayey ciidamada huwanta ah si gaar ah uga sameeyeen tuulooyinka Harboole, Miido, iyo Biib oo ku dhaw deegaanka Janaay Cabdalla, waxaana halkaasi la sheegay in xubno katirsan Al-Shabaab ku sugnaayeen.
Saraakiisha ciidanka hoggaamineysay ayaa sheegay in tuulooyinka ay tageen ku sugnaayeen xubno katirsan Al-Shabaab oo dadka shacabka ah ka qaadanayay lacago baad ah sida ay tilmaameen.
Waxa ay sheegeen saraakiisha in Al-Shabaa khasaaro lagu gaarsiiyay howlgalkan ciidanka fuliyeen, waxa ay sidoo kale xuseen in dad shacab ah ay halkaasi ku xayireen Al Shabaab in ay kasii daayeen.
Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa kumaandooska Danab ayaa maalmahan kordhiyay howlgalada ay ka fuliyaan duleedka Kismaayo, ciidankan ayaana la sheegay in ay bur buriyeen goobo badan oo Al-Shabaab ku sugnaayeen.