Shabeellaha Hoose (KAAB TV) -Cutubyo ka tirsan Guutada Danab ee Kumaandooska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka wada deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo waddada isku xirta gobolkaas iyo gobolka Bay.
Howlgalka ayaa waxaa lagu sugayay amniga deegaanka oo ay xilliyada qaar soo galaan xubno ka tirsan AS.
Ciidamada Danab ayaa baaritaano ku sameeyay gaadiidka dadwaynaha iyo weliba dadka is ticmaalaya waddooyinka.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu boggaadiyay howlgalkaasi.
“Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ammaan iyo bogaadin u dirtay geesinimada ciidamada Danab ee si joogto ah uga shaqeynaya badbaadinta shacabka iyo sugidda xasilloonida dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.
Maalmihii la soo dhaafay ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka ayaa howlgallo ka waday gobollada dalka.

