Ciidanka Danab oo uu Mareykanku tababaray, ayaa wajahaya xaalado adag kadib markii sanadkan hoos loo dhigay sahaydii raashinka iyo shidaalkii ay heli jireen, halka bishii Febraayo laga jaray mushaharkii dheeraadka ahaa ee gaari jiray $400 bishii askari kasta.
Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay The Washington Post, qaar ka mid ah askarta Danab ayaa ka baxay ciidanka, halka tababarayaashii shisheeye ee la shaqeyn jiray ay dalka isaga baxeen.
Waxaa sidoo kale su’aal la gelinayaa sida maamulka Madaxweyne Trump uu mudnaan u siinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo lagu eedeeynayo dowladda Soomaaliya in aysan weli helin kalsooni ku filan oo ay ku hoggaamiso dagaalka, sababo la xiriira musuqmaasuq baahsan ee dalka ka jira.
“Maamulka Trump uma muuqdo inuu u arko Al-Shabaab khatar toos ah oo ku wajahan danaha Mareykanka,” ayuu yiri Matt Bryden, aasaasaha xarunta cilmi-baarista ee Sahan Research, oo fadhigeedu yahay Nairobi. Si kastaba ha ahaateewuxuu raaciyay, “haddii Al-Shabaab horumar dheeri ah sameyso, waxay si weyn u saameyn doontaa siyaasadda Mareykanka ee Afrika iyo Bariga Dhexe.”
Dhinaca kale, Mareykanka ayaa walaac ka muujinaya sida dowladda Soomaaliya ay wajigeeda uga leexisay la-hawlgalayaashii reer Galbeedka, iyadoo xiriir dhaw la yeeshay Turkiga si ay gacan uga hesho dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Xiriirka sii xoogeysanaya ee Ankara iyo Muqdisho ayaa sababay heshiisyo cusub oo la xiriira baarista shidaalka, keenista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo imaatinka boqolaal askari oo Turki ah bishii lasoo dhaafay.
Dowladda Turkiga ayaa hadda si qoto dheer ugu lug leh Soomaaliya, iyadoo tababartay laba guuto oo gaaraya ilaa 6,000 oo askari Soomaaliyeed, halka diyaaradohooda aan duuliyaha lahaynna ay duqeeyeen bartilmaameedyo muhiim ah oo Al-Shabaab ah.
Hoos u dhaca joogitaanka Mareykanka ee gudaha Soomaaliya ayaa la sheegay in uu halis gelin karo dadaallada lagu xakameynayo mid ka mid ah khataraha ugu halista badan ee ka imaanaya Alshabaab.