SO | EN

SO | EN

Ciidanka difaaca Puntland oo duqeymo ka geystay goobo ay ku dhuumaleysanaayeen Daacish

|

Calmiskaat (KAAB TV) – Ciidamada ladagaalanka argagixisada Puntland ee ku sugan furumaha hore dagaalka ee buuraha Calmiskaad, ayaa duqeymo culus ku garaacay goobo ay ay gabaad ka dhiganaayeen dagaalyahanno katirsan kooxda Daacish, kuwaa oo xilligan wajahaya xaalad adag.

Sido kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada difaaca Puntland ey duqeymo culus ku garaacay agagaarka degaanka Qurac ee togga Jeceel, halkaas oo la sheegay in ay isku qarinayaan dagaallamayaal katirsan kooxda Daacish.

Dhanka kale, Ciidamada ayaa wada howlgallo ay miinooyinka uga saarayaan goobaha kooxda Daacish laga saaray, waxa ayna ciidamada isku diyaarinayaan mar kale howlgallo culus oo lagu soo afjarayo Daacish.

Sikastaba, madaxweyne Deni ayaa shalay sheegay in mar kale la qaadayo howlgal balaaran oo lagu ciribtirayo haraadiga kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad, waxa uuna xusay Deni in ciidamada dagaalka ay ka gaareen guulo wax ku ool ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News