SO | EN

SO | EN

Ciidanka difaaca Puntland oo horjoogayaasha Daacish ug baaqay in ay isa soo dhiibaan

|

Calmiskaad (KAAB TV) – Dowladda Puntland ayaa ugu baaqay saraakiisha sar sare oo katirsan kooxda Daacish ee ka dagaallamaya buuraha Calmiskaad in ay isa oo dhiibaan, kana faa’iideystaan cafiska madaxweyne Siciid Deni u fidiyay xubnaha ka tanaasulaya fikirka xagjirnmada iyo dagaalka.

Sidoo kale, Taliyaha guud ee ciidamada difaaca  Puntland Gen. Aadan Cabdi Xaashi, oo ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa ugu baaqay shaqsiyaadka katirsan kooxda Daacish in ay hubka iska dhigaan, iskuna soo dhiibaan ciidanka Puntland.

Dhanka kale, Jeneraal Aadan Cabdi, ayaa si gaar ah ugu baaqay Cabdiraxmaan Faahiye Ciise oo kamid ah horjoogayaasha Daacish inuu ka faa’iidaysto cafiska madaxweyne Deni, haddii kalena ay ciidamadu ciqaab adag marsiin doonaan, isagoona uga digay dhallinyarada ku heybta ah in uu dagaal galiyo.

“Cabdiraxmaan Faahiye,  ninka la yiraahdo Cabdulqaadir Muumin, talo gacan uguma jirto talo iyo tabarna ma hayo, dadka xijiga ka guran jirey Baalade ilaa Tasjiic dhalinyarada qoyskaaga ee aad cadaabta ku guraysid ka jooji”, Gen. Aadan Cabdi Xaashi.

Waxa uu intaasi ku sii raaciyay taliyaha guud ee ciidamada Puntland ”Waxaa balan igu ah Cabdiraxmaanow ciqaabta aad leedahay inaad naga hesho, dadka aad leedahay waa imagangelinayaan waa ogyihiin arrintu sida ay tahay ee wiilasha ha halaagin silic baad u dhimanaysaaye”.

Ninkan Puntland hadda ugu baaqeyso in uu isa soo dhiibo , ayaa horey warbaahinta caalamka qaarkood u baahiyeen in uu ku dhintay duqeyn ay diyaarado dagaal ka fuliyeen buuraha Calmiskaad, hasa ahaatee Puntland ayaa hadda aaminsan in uu nool yahay ninkan uuna wado dhaq dhaqaqayo dagaal.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News