SO | EN

SO | EN

Ciidanka difaaca Puntland oo jabweyn gaarsiiyay kooxda Daacish ee ka dagaalanka buuraha Calmiskaad

|

Calmiskaad (KAAB TV) – Dagaalyahano katirsan kooxda Daacisha ee ka dagaalama qeybo kamid ah buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, ayaa saakay aroortii weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah, waxa ay ku qaadeen ciidamo katirsanaa kuwa difaaca Puntland, oo ku sugnaa saldhig ay ciidamada difaaca Puntland ku leeyihiin togga Afka Curaar.

Sidoo kale, Ciidamada Puntland, ayey wararku sheegayaan in ay fashiliyeen weerarka qaraxyada ku bilowday ee lagu soo qaaday, waxa ayna ciidamada dileen xubno badan oo katirsanaa dableyda kooxda Daacish ee saakay weerarka kusoo qaaday.

Dhanka kale, Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegay in kooxda markii hore ciidamada kusoo weerareen qarax ismiidaamin ah, waxaana qaraxa kaddib weerar toos ah saldhigga ciidamada joogen kusoo qaaday dabley katirsanaa kooxda Daacish.

Ciidamada Puntland, ayaana la sheegay in xubnaha weerarka kusoo qaaday ay dileen u badnaayeen ajaaniib katirsan kooxda Daacish, kuwaa oo ciidamada durba meydadkooda ku baahiyeen baro ay ku leeyihiin intetnetka, gaar ahaan Telgaram.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News