SO | EN

SO | EN

Ciidanka difaaca Puntland oo sameeyay howlgalo culus saacadii lasoo dhaafay

|

Calmiskaad (KAAB TV) – Taliska howgalka Ciidamada Puntland ayaa war kasoo saaray hawlgalladii u danbeeyay ee buuraha Calmiskaad ayaa sheegay in ay ilaa lix talis ka saareen dagaallamayaasha Argagixisada ISIS.

Sidoo kale, taliyaha ciidanka PMPF G/dhexe Maxamuud Shire Maxamed ayaa sheegay in hawlgalladaasi ciidamada ka sameeyeen togga Geel-lagu-qal ay gacanta ku dhigeen ilaa lix talis, oo ay si qarsoodi ah halkaasi uga samaysteen kooxda Daacish.

“Ciidamadu waxay shalay hawlgal ka sameeyeen meesha la yiraahdo Geel-lagu-qal, waxaana laga helay talisyo ballaaran oo ay ku dhuumaaleysan jireen Argagixisadu, oo ay ku keydsan yihiin rasaas, agab militari iyo raashin badan oo dhawr gaari qaadi karto, kuwaasi oo meelo qarsoon ay ku laabteen, waana ka soo saarnay dhammaantood geed walba oo ay galiyeen wax ciidanka ka qarsoomaya ma jiraan.”

“Ilaa lix talis baan  helnay meesha lagu magacaabo Geel-lagu-qal, waana nadiifinay dhammaantood wixii agab millitari iyo raashin ugu keydsanaa, waxaan kale oo helnay goof dab-rid oo ay mileeshiyaadkooda ku tababari jireen. Argagixisadu waa fulayo waxay ka carareen agabkoodii, biyihii iyo raashinkoodii” ayuu yiri G/dhexe Maxamuud Shire.

Ugudambeyntii, taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in uu dardar xooggan ku socdo wejiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah Argagixisada ISIS, waxaana uu si weyn ugu mahadceliyay ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland oo godadka ugu daatay firxadkii dagaallamayaasha Argagixisada ee baxsadka ah, kaddib markii ay ku soo jabeen wejigii hore ee hawlgal ka dhacay togga Jeceel.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News