SO | EN

SO | EN

Ciidanka difaaca Puntland oo wali wada baadigoobka firxadka kooxda Daacish

|

Calmiskaad (KAAB TV) – Ciidamada difaaca Puntland, ayaa wali sii wada howlgalada ay ku baadigoobayaan firxadka kooxda Daacish, kuwaa oo isaga cararay talisyo iyo deegaanno horey gacanta kooxdaasi ugu jiray.

Sidoo kale, saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in howlgalka socdo uu yahay mid lagu soo afjarayo kooxda Daacish, ku raadinayaan maleeshiyaad katirsan kooxdaasi oo mararka qaar si dhuumaaleysi ah qaraxyo ugu aasaya buuraha dhaxdooda.

Dhanka kale, Ciidanka howlgalka ku jira ayaa isku maray deegaannada ku hareeraysan Togga-jeceel iyo Togga Ina Cidoole, gaar ahaan deegaanka Dhextaal oo ay ku dhuumaleysanayeen firxadka argagixisada Daacish, waxa ayna ciidanka isku fidiyeen talisyadii ay ka carareen kooxda Daacish.

Sikastaba, taliska ciidanka difaaca Puntland, ayaa caddeeyay in ay ka go’an tahay soo afjarida kooxda Daacish, waxa ayna xuseen in ciidankooda diyaar u yihiin sidii ay kooxdaasi argagaxisada ah guud ahaan uga saari lahaayeen deegaannada Puntland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News