Muqdisho (Kaab TV) – Duleedka magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada ammaanka ee dowladda, kuwooda xasilinta caasimada ee boolis milataaro ayaa howl-galo lagu xaqiijinaayo ka bilaabay deegaanka Ceelasha Biyaha.
Qaar kamid ah dadka deegaanka oo Warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ciidamadan ay ka tirsan yihiin guutada 22-aad ee Gungaar, waxaana hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Liibaan Golcad oo ah taliyaha howlgelinta.
Dhanka kale waxaa lagu soo waramayaa in ciidanka ey halkaas kabilaabeen howl-galo lagu xaqiijinaayo amniga maadaama dowladdu ey kacabsi qabto in Shabeellaha hoose qaraxyo laga soo galiyo magaalada caasimada Muqdisho.
Sidoo kale xaalada amni ee magaalada Muqdisho ayaa umuuqata mid dagan baryihii lasoo dhaafay maadama amniga magaalada lagu wareejiyay ciidamo cusub kuwaas oo tababar kusoo qaatay dalka Uganda ee caasimada Kampala.
Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho kafulinjirtay qaraxyo iyo dilal qorsheesan, iyadoo wreerarkii ugu dambeeyay kuqaaday Hotel Pearl Beach oo loo aqooni jiray Beach Veiw weerarkaas oo uu ka dhashay khasaare fara badan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac iyo dadkii kudhintay halkaas ey u badnaayeen dad shacab ah oo kusugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay.