SO | EN

SO | EN

Ciidanka dowladda iyo iyo kuwa maamulka Jubbaland oo howlgalo kafuliyay Jubbada Hoose

|

Kismaayo (KAAB TV) – Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan, ururka  5-aad Guutada 16-aad Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed  ee Danab iyo Ciidanka Maamulka Jubbaland ayaa hawlgal qorsheeysan ka fuliyey degaanada dhaca galbeedka magaalada Kismaayo.

Sidoo kale, degaanada Hawlgada Ciidanka ay ka sameeyeen ayaa kala  ah  Barjala, Dharkayn urur, Sariiraha, Orgiyow, Yaaq caleen iyo Aboodin oo ay  ku sugnaayeen xubno ka tirsan Alshabaab.

Dhanka kale, Ciidanka kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed  ee Danab iyo Ciidanka Jubbanland ayaa Alshabaab kasaaray  degaanadaasi islamarkaasna kasoo abaabulayeen weerarada ay ka geystaan degaanada  dhaca maamulka Jubbaland ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska Ciidanka Danab ee Jubbland.

Degaano ka Tirsan gobolkaa Jubada Hoose waaxaa maalmaahaan ka socda Hawgalo ka dhab ah Alshabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News