SO | EN

SO | EN

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo Al-shabaab ka saaray deegaano ka tirsan gobolka Mudug

|

Muqdisho (KAAB TV) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgalo qorsheysnaa uga saaray Al-shabaab deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Howlgalada ayaa ahaa kuwa si gaar ah uga dhacay deegaanada kala ah Carfuudo, Juri juri iyo Bacadka Faarax Aadan, kuwaas oo dhamaantood ku sugnayeen Al-shabaab, waxaana halkaasi ciidamadu ku burburiyeen fariisimo kooxdu ku laheyd deegaanadaasi.

Korneyl Gaanburi Isduug oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee hoggaamineysay howlgaladaan ayaa warbaahinta u sheegay iney guulo la taaban karo ka gaareen howlgalada ka dhanka ahaa Al-shabaab.

“Maalmihii lasoo dhaafay, shacabka iyo ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka Xarardheere ayaa si wadajir ah u wajahay argagxisada iyagoo laayay xubno badan oo ka tirsanaa khawaarijta” ayuu yiri Kornayl Gaanburi.

Howlgaladaan ciidamada iskaashanaya ka fuliyeen deegaanada hoostaga Xarardheere ayaa kusoo aadaya, iyadoo wali deegaano badan oo ka tirsan gobolka Mudug ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News