SO | EN

SO | EN

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo kaabiga kuhaya degmada Wabxo

|

Wabxo (KAAB TV) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa waxaa ay hadda kaabiga ku hayaan degmada Wabxo ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno katirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale, Ciidamada Guutada Cali Bin Abii Daalib ee uu hoggaamiyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik iyo kuwo degaanka oo maalmihii la soo dhaafay kusii siqayay degmada Wabxo ayaa ku dhawaaday, iyaga oo howgal ay sameeyeen miinooyin dhowr ah ka saaray wadddooyinka.

Dhanka kale, Wararka ayaa intaasi waxa ay kudarayaan in Xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab eek u sugnaa degmada Wabxo ay badi isaga baxeen, iyaga oo dadka Shacabka ku amray inay degmada isaga baxaan.

Ugudambeyn, degmada Wabxo ayaa waxaa lasoo sheegayaa in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka oo hadda ku sugan bannaanka Magaalada la filayo inay saacadaha soo socda gudaha u galaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News