SO | EN

SO | EN

Ciidanka dowladda oo dib ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Aboorey

|

Aboorey (KAAB TV) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab iyo gaashaan ka helaya ciidanka deegaanka, ayaa saakay weerar xooggan waxa ay ku qaadeen deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, halkaas oo la sheegay in ay joogeen dagaallamayaal badan oo katirsanaa Al Shabaab.

Sidoo kale, ciidanka huwanta ah iyo ciidanka xoogga dalka, ayaa dhowr jiho ka weeraray deegaanka Aboorey, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal dhiig ku daatay oo la sheegay in aad lagu jabiyay kooxda Al Shabaab ee halkaasi ku sugneed.

”Geesiyaasha qaranka iyo Halgamayaasha Deegaanku Saaka waxeey weerar ku ekeeyeen Khawaarij aagga Abooreey, Shalay isla xilligaan waxaa lagu galay Ruun-Nirgood, Doraadna Guulane, waa tusaale culayska ay wajahayaan khawarij” ayuu yiri Al Cadaalada.

Sikastaba, Ciidankan dowladda ayaa sidoo kale shalay kooxda Al Shabaab ku weeraray deegaanka Ruun-nirgood ee gobolka Shaeelaha Dhaxe, halkaas oo laga saaray Al Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugneed, sidoo kale khasaaro lagu gaarsiiyay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News