Ciidanka dowladda oo gacanta kudhigay gawaari shidaal uwaday Alshabaab iyo haween usocda Alshabaab

|

Masagaway (KAAB TV) – Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Masagaway ee gobalka Galgaduud ayaa saaka toogtay dagaalyahan ka tirsanaa Al-shabaab.

Sidoo kale, ninkan ayaa lagu qabtay koontaroolka degmada Mesagawey, isagoo ku hubeysnaa qori AK-47 ah sidaay sheegeen saraakiisha ciidamada aagaas ku sugan.

Dhinaca kale, ciidamada ayaa qabtay 3 gaari oo nuuca layla Calaawi ah oo shidaal waday, waxaana lagu qabtay deegaanka Xuseen cagey.

Saraakiisha ayaa sheegay in gawaarida ay saarnaayeen dumar Al-shabaab u socday ayna gacanta ku dhigeen, mana sheegin faahfaahin intaas ka badan oo la xiriirta dumarkan iyo ujeedkooda ma aysan bixin Saraakiisha.

Maalmo kahor ayey aheyd markii ciidanka ay bur-buriyeen goobo ay kooxda ku qoran jirtay dagaal-yahaannada cusub, oo ku yaallay deegaanada dhaca dhulka howdka ah ee kala qeybiya gobollada Baay iyo Bakool.

Sikastaba, gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo lagu doonayo in maleeshiyaadka Al-Shabaab, si looga saaro deegaanada ay weli ku harsan yihiin, xilli uu dib u dhac ku yimid wejiga labaad ee dagaalka, oo la filayo inuu dhawaan si rasmi ah u bilaaban doono.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News