SO | EN

SO | EN

Ciidanka Dowladda oo rasaas la beegsaday shacab ka mudaaharaayay dhul boob degmada Heliwaa

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhaawacantay ka dib markii rasaas toos ah ay ciidamo isugu jira kuwa militariga iyo booliska ay la beegsadeen dad shacab ah oo maanta mudaaharaad ka sameeyay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Shacabka ayaa diidanaa dhul boob la sheegay inay wadeen mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo adeegsanaaya ciidan hubeysan, kuwaasoo doonaayay inay burburin ka sameeyaan xaafado ku yaalla labada degmo ee Heliwaa iyo Yaaqshiid.

Dadka ayaa dhagax kula dagaalamay ciidanka hubeysan, waxaana ciidamada ay billaabeen rasaas ay toos ugu toogteen dadka rayidka ah.

Dhaawaca ayaa la sheegayaa inuu ka badan yahay in hadda la og yahay, waxaana mid ka mid ah isbitaallada ku yaalla Muqdisho oo dhaawacyada la geeyay uu noo xaqiijiyay in dhallinyarada dhaawaca ay ku yaallaan rasaas meel dhow laga soo tuuray oo toos loola beegsaday.

Sawirro uu heley Kaab TV ayaa muujinaya baaxadda dhaawacyada shacabka, ee la dhigay isbitaallada kala duwan.

Dadka dhaawaca ayaa u baahan gurmad, iyadoo haatan lagu jiro bisha Ramadaan oo weliba xaaladda abaarta iyo dhaqaale la’aan hareysay dalka ay si weyn u saameysay guud ahaan dadka danyarta.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News