SO | EN

SO | EN

Ciidanka Isra’iil oo wali kacaga jiidaya in dib ugu laabtaan dagaalka ka dhanka ah Xamaas

|

Tel Aviv (KAAB TV) – Waxaa sii kordhaya tirada ciidamada maamulka Israa’iil katirsan ee diidaya inay ku laabataan dagaalka dhinaca dhulka ah ee ka socda magaalada Qaza ee dhulka Falastiin.

Sidoo kale, Warbaahinta Israa’iil iyo kuwa kale oo caalami ah, ayaa tabiyay in askarta Israa’iil ka niyadjabsan yihiin dagaalka aan dhammaadka laheyn ee kula jiraan ururka Xamaas oo jilbaha u aastay ciidamada Israa’iil.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda adeegga caafimaad ee ciidan Israa’iil ay sidoo kale inta badan ciidamada dhulka ay diiddeen inay ku laabtaan mar kale marinka Qasa oo isbuucyo kahor laga soo saaray.

Dhanka kale, askar badan oo kasoo dagaallantay magaalada Qaza, ayaa la sheegay in xanuuno iyo dhibaatooyin dhinaca maskaxda ah kasoo gaartay dagaalka ka socda magaalada Gaza, oo Israa’iil ku noqday mid ka duwan sidii ay filayeen.

Sikastaba, Israa’iil, ayaa askar badan looga dilay dagaalka dhinaca dhulka ah ay ku galeen magaalada Qaza, waxaana wali Muuqda in Israa’iil guulo ka gaarin dagaalka marka laga reebo in magaalada inteeda badan burburiyeen shacabkana laayeen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News