SO | EN

SO | EN

Ciidanka Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya oo maanta soo bandhigay cudaddooda ciidan

|

Beydhabo (KAAB TV) – Ciidamada Itoobiya ayaa maanta magaalada Baydhabo ka sameeyay dhoolatus u muuqday mid ay kusoo bandhigayaan cududdooda ciidan, gaar ahaan kuwa ka jooga gudaha Soomaaliya.

Munaasabadda dhoolatuskan ayey ku sheegeen mid lagu xusayo “Guusha Adwa, iska caabintii gumeysiga iyo guushii midnimada Afrika.”

Sidoo kale, munaasabaddan waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, saraakiil ka tirsan xoogga dalka, iyo kuwa kale oo Midowga Afrika.

Dhanka kale,  munaasabadda dabaal-degga, cududda ciidan ee maanta Itoobiya kusoo bandhigtay Baydhabo waxay muujinaysaa sida ay ugu xooggan tahay joogitaankeeda gudaha dalka, iyadoo dhawaan dib ugu biirtay howlgalka cusub ee AUSSOM.

Sikastaba, dhoolatuskan ciidan oo ay ciidanka Itoobiya kusoo badhigeen cudaddooda cidaan ayaa imaaneysa xilli ay Soomaaliya ka taagan tahay xifaaltanka hoose ee dowladaha Masar iyo Itoobiya, oo iyagu ku kala furtay xiisadda Webiga Niilka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News