Ciidamada Dowladda Jubaland oo kaashanaya Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ay ku xooggan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa lagu burburiyay illaa toddobo fariisin oo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada kooxda, iyadoo ciidamada ay gacanta ku dhigeen hub, saanad ciidan iyo agab kale oo yaallay fariisimahaasi.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Sadiiq Maxamuud Dhogor, ayaa sheegay in goobihii howlgalka laga fuliyay ay ka mid ahayd deegaanka Gambaale, oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah saldhigyada ugu waaweyn ee ay Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayeen.
“Howlgalkani wuxuu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta. Howlgalladuna way sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanaya deegaannada Jubaland,” ayuu yiri Sadiiq Maxamuud Dhogor.
Dhanka kale, ciidamada kala duwan ee Jubaland iyo Kumaandooska Danab, oo maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday deegaannada Harboole, Miido iyo Weel-marow, ayaa saraakiisha hoggaamineysa howlgalada kulan la yeeshay maamulka degmada Afmadow.
Howlgalladan oo weli socda ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu furo waddada muhiimka ah ee isku xirta magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo muddo ay xireen dagaalyahannada Al-Shabaab.
Gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan dhulka ka baxsan magaalooyinka waaweyn, ayaa weli waxaa ka jira saameyn xooggan oo ay ku leedahay Al-Shabaab.
Saraakiisha Jubaland ayaa sheegay in howlgaladan ay yihiin kuwo lagu ballaarinayo gacanta dowladda, laguna xaqiijinayo amniga waddooyinka iyo deegaannada ay kooxdaasi ka howlgasho.
Ciidamada Dowladda Jubaland oo kaashanaya Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ay ku xooggan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa lagu burburiyay illaa toddobo… pic.twitter.com/xMYoRv3eka
— Kaab TV (@KaabTV) July 17, 2026

