SO | EN

SO | EN

Ciidanka Jubbaland oo gacanta kusoo dhigay sargaal iyo ilaaladiisa oo Alshabaab ka tirsanaa

|

Kismaayo (KAAB TV) – Ciidamada maamulka Jubbaland oo howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaan dhaca duleedka magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayey ku dileen xubno katirsanaa kooxda Al Shabaab , oo la sheegay in dadka deegaanka dhibaato ku hayeen.

Sidoo kale, saraakiisha ciidamada Jubbaland, ayaa sheegay in howlgalkan ay ciidamada ku dileen afar xubnood oo katirsanaa Al-shabaab, waxa ayna xuseen howlgalka in uu ka dhacay deegaanka Lafo-gari oo kuyaalla duleedka Dhoobley.

Dhanka kale, howlgalka ay fuliyeen ciidamada Jubbaland ayaa sidoo kale lagu soo qabtay nin ay sheegeen laamaha amniga Jubbaland in uu ahaa sargaal katirsan Al Shabaab una qaabilsanaa maxkamadda deegaanka Lafo-gari, waxaana sargaalkan magaciisa lagu sheegay Macallin Maxamed.

Sikastaba, Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa mararka qaar fuliya howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, kuwaa oo marar badan ciidamada ku dileen xubno katirsanaa Al-shabaab, sidoo kale kusoo qab qabteen kuwa kale oo nool.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News