Raaskambooni (KAAB TV) – Xaalada deegaanka Raaskambooni oo shalay dagaalo culus ka dhaceen ayaa saakay degan, waxaana deegaanka si buuxda gacanta ugu haya ciidamada daraawiishta maamulka Jubbaland, halka ciidankii dowladda ee halkaasi joogay noqdeen kuwa la qabtay iyo kuwa xadka Kenya ka gudbay.
Sidoo kale, Ciidamada Jubbaland ayaana isku fidiyay guud ahaan deegaanka Raaskambnooni, waxa ayna halkaasi saakay ka wadaan howlgallo balaaran ay amniga ku xaqiijinayaan, kuna baadigoobayaan xubno katirsan ciidanka dowladda in deegaanka ku harsan yihiin.
Dhanka kale, Ciidamada Jubbaland ayaa la wareegay hub kala duwan iyo saanad ciidan oo ay ka carareen ciidanka dowladda ee shalay ka baxay deegaanka Raaskambooni, waxa ay sidoo kale ciidamada Jubbaland xarumo ka dhigteen saldhigyadii ay ka baxeen ciianka dowladda.
Ciidamada Jubbaland ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay ciidamo badan oo katirsanaa kuwa dowladda geysay deegaanka Raaskanbooni, waxa ayna ciidamada ka dhigeen hubkii ay wateen iyaga oo geeyay goob gaar ah oo ay amnigooda ku xaqiijinayaan.
Sikastaba, dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Raaskanbooni ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa lagu jabiyay ciidankii dowladda diyaaradaha ku geysay deegaanka Raaskambooni, waxa ayna ciidamada noqdeen kuwa la qabtay, kuwa dhintay iyo kuwa ku firxaday xadka Kenya oo hubka laga dhigay.