BAYDHABO (Kaab TV) – Ciidamada Koonfur Galbeed ee daacadda u ah madaxweynihii xilka laga qaaday Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa sheegay in ay bilaabeen hawlgallo ka socda deegaanno ka baxsan magaalada Baydhabo, kadib dagaal khasaaro sababay oo toddobaadkii hore ka dhacay agagaarka magaalada.
Toddobaadkii hore dagaal dhimasho badan sababay ayaa ku dhex maray duleedka Baydhabo ciidanka Laftagareen iyo kuwa dowladda federaalka ee bishii Maarso qabsaday magaalada Baydhabo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dadka ku dhintay dagaalkaasi ay ku jireen labo sarkaal oo hoggaamonayey guutooyin ciidanka Gorgor ee Turkida ay tababareen.
Ilo ku dhow ciidanka Laftagareen ayaa sheegay in deegaano ku teedsan Baydhabo ay ka sameeyeen hawlgalo lug ah iyagoo dadka deegaanka u sheegay inaysan la shaqeynin ciidamada ku sugan Baydhabo oo ay ku sheegeen “kuwo kasoo duulay Muqdisho” oo deegaankooda xoog ku jooga.
Xiisaddan colaadeed ee ka taagan Baydhabo ayaa ka dhalatay muran siyaasadeed oo muddo dheer soo jiitamayay oo ku saabsan hoggaanka Koonfur Galbeed, gaar ahaan doorashooyinka dib u dhaca ku yimid iyo khilaafka u dhexeeya maamulka Laftagareen iyo siyaasiyiin ay taageerto dowladda federaalka.
Bishii Maarso maamulkii Laftagareen ayaa isaga baxay Baydhabo, isaga oo saldhig ka dhigtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Xiisadda ayaa sii xoogeystay kadib markii ay soo baxeen qorshayaal la xiriira dhismaha hoggaan cusub oo Koonfur Galbeed ah, taas oo dhalisay diidmo xooggan oo ka timid dhinacyada taageersan Laftagareen, kuwaas oo u arka in lagu wiiqayo nidaamka jira.
Doorashada aan weli la shaacin natiijadeeda ee ka dhacday Baydhabo ayaa la saadaalinayaa in Villa Soomaaliya ay dooneyso inay xukunka ugu dhiibto Sheekh Aadan Madoobe oo ah Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo gacansaar la leh Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Ciidamada Laftagareen ee ka howlgala bannaanka Baydhabo ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada militari, iyagoo ku andacoonaya in ay ka hortagayaan “isku day la doonayo in lagu la wareego magaalada.”
Dhanka kale, waxaa isa soo taraya walaaca amni ee shacabka, iyadoo qaar ka mid ah qoysaska ay bilaabeen in ay ka barakacaan magaalada Baydhabo una guuraan tuulooyinka ku dhow si ay uga fogaadaan dagaal hor leh.

