Garoowe (KAAB ) Wararka aan ka helayo magaalada Garoowe ee Puntland ayaa sheegaya in xaaladu maanta oo Jimca ah ay degan tahay ka dib xiisad in muddo ah halkaas ka jirtay.
Magaalada waxaa ka socday dadaalo lagu doonayay in lagu dejiyo xiisada ka dhalatay qabsoomida doorashada madaxtinimada maamul goboleedka Puntland.
Isimada Dhaqanka ayaa ku guuleystay sida wararku la helayo ay sheegayaan inay siyaaasiinta ay ku qanciyaan gudaha caasimadda Garoowe in laga saaro ciidankooda, si meesha looga saaro cabsida jirta.
Dhanka madaxwaynaha maamulka Puntland Saciid Deni ayaa sidoo kalena ay ku adkeeyeen odayaashu inaysan sameyn wax dhaqdhaqaaq ah oo xiisad abuuri kara.
Dhinacyada u kala dabqaadaya labada dhinac ee Deni iyo mucaaradka ee SSC ayaa sheegay inay ku rejo weyn yihiin in ay wada-hadal isugu keenaan labada dhinac, si xal loogu helo ismarin-waaga doorashada.
Si kastaba shalay waxaa dib loo dhigay kulankii Barlamaanka oo lagu meelmarin lahaa xeerka doorashada ka dib buuw arintaas ka dhashay waxaana la filayaa in Axad Todobaadka dambe dib loo soo celiyo.