SO | EN

SO | EN

Ciidanka Nabad Sugida maamulka koonfur Galbeed oo soo bandhiga xubno kasoo goostay Alshabaab

|

Beydhabo (KAAB TV) – Ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee ka howlgala deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, ayaa kusoo bandhigay magaalada Beydhabo dagaallamayaal katirsanaa Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda.

Sidoo kale, xubnahan lasoo bandhigay ee kasoo goostay Al Shabaab oo gaarayay ilaa saddex xubnood ayaa magacyadooda ku kala sheegay Ibraahim Xuseen Maxamed,Nuur Maxamed Abuukar iyo Yare Cali Xuseen.

Dhanka kale, Raggan kasoo goostay Al Shabaab ayaa sheegay in muddo ah katirsanaayeen kooxda Al Shabaab, waxa ayna xuseen in ay kasoo tageen kooxdaasi kaddib markii ay la kulmeen dhibaatooyin badan, sidoo kale ku qanci waayeen hab-dhaqanka kooxdaasi.

Ugudambeyn, deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa kusoo badanayay muddooyinkii lasoo dhaafay xubnaha kasoo goosanaya kooxda Al Shabaab, kuwaa oo isku soo dhiibayay ciidanka dowladda, waxaana xubnahaasi badankood la geenayay xarumo dhaqan-celin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News