Muqdisho (KAAB TV) – Ciidamo katirsan nabadsugidda iyo sirdoonka Soomaaliya, ayaa la sheegay in gurigiisa hortiisa ku dileen sargaal katirsanaa ciidanka boliiska Soomaaliya oo lagu magacaabayay labo xidigle Hanad Axmed Muuse, falkan dilka ah ayaana ka dhacay xaafada Macalin Nuur ee ku dhaw isgoyska Ex-koontarool.
Sidoo kale, goobjoogayaal ayaa ku warramay in ciidanka nabadsugidda ee dilka geestay iyo sargaalka la dilay ay murmeen, kaddibna sargaalka lagu dhuftay dhowr xabbadood sidaasna ugu geeriyooday, waxaana goobta isaga baxsaday ciidankii dilka u geestay.
Dhanka kale, meydka sargaalka la dilay ayaa loo qaaday xaruta damnbi baarista CID-da halkaas oo baaritaanno lagu sameenayo, mana jiraan wax war ah oo laamaha ammaanka gaar ahaan boliiska kasoo saareen dilka loo geestay sargaalkan katirsanaa ciidankooda.
Ciidanka nabadsugidda iyo sirdoonka Qaramka ayaa muddooyinkan bilaanbay in ay ugaarsadaan askarta kale ee ciidanka katirsan, isbuucii hore ayey aheyd markii ciidamo la sheegay in NISA katirsanaayeen ku dileen degmada Afgooye sargaal ciidan iyo askar ilaalo u aheyd.