SO | EN

SO | EN

Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay gaari Raashiin iyo Soolar uwada kooxda Daacish

|

Calmiskaad (KAAB TV) – Puntland ayaa baaris ku bilowday baabuur laga shakiyay in uu raashin iyo sahay kale u siday kooxda Daacish oo weli degaanno kooban kaga go’doonsan Calmiskaad.

Sidoo kale, Ururka Gantaal ee ciidamada difaaca Puntland oo kaashanaya ciidanka Booliska degmada Qandala ayaa baabuurkan ku qabtay degaanka Unuun.

Dhanka kale, Gaarigan waxaa looga shakiyay in uu raashinka iyo sahayda kale u siday degaannadii aan weli laga saarin firxadkii Daacish ee la rumaysan yahay in ay ku dhuumanayaan.

Baabuurkan oo ah nooca loo yaqaan BROBOX aya siday raashin, soollar iyo agab isgaarsiin, sida uu shaaciyay Hawlgalka Calmiskaad oo warkan soo saaray.

“Ciidanku waxay Turmasaale Keeneen gaari iyo ninkii watay oo lagu soo qabtay isagoo Raashin , Solar iyo Agab isgaarsiin u wada dhulka laga sifeynayo Firxadka Argagixisada Daacish.”

Sikastaba, ciidanka Puntland ayaa wali wada howlgalka soo afjarida kooxda Daacish oo wali deegano yar kaga harsan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News