SO | EN

SO | EN

Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay Warshaddi gantaalada ku sameysan jiree Daacish

|

Calmiskaad (KAAB TV) – Ciidamada difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay 2000 oo gantaal oo kooxda Daacish ay sameysteen, kuwaas oo ay doonayeen in ay waxyeello ugu geysteen shacabka Puntland.
Sidoo kale, gantaalada ayaa argagixisadu ku diyaarinaysay xarunta ku taalla agagaarka deegaanka Dhasaan oo argagixisadu ku lahayd saldhig weyn, halkaas oo maalin kahor la wareegeen ciidamada Difaaca Dowladda Puntland.
Dhanka kale, Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay qeybo kamid ah warshadii ay ku sameysan jireen gantaalo.
Ciidamada difaaca maamulka Puntland ayaa wada soo gaba gabeynta wajiga labaada ee dagaalka lagula jiro kooxda Daacish, iyagoo maalinba maalinta ka dambeysa ay gaarayaan guulo waaweyn.
Sikastaba, tan iyo markii Puntland ay qaaday howlgalka ka dhanka kooxda Daacish ayaa waxa ay lawareegtay fariisimo badan oo muhiim u ahaa kooxda Daacish, waxaana mar marka ka dambeyso ciidanka Puntland oo garab ka helaya diiyaradah wax duqeeyay ee Mareykanka iyo Imaaraadka gaarayaan guulo wax ku ool ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News