SO | EN

SO | EN

Ciidanka Puntland oo guulo muhiim ah ka gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish

|

Calmiskaad (KAAB TV) – Ciidamada howlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ayaa howlgal culus kawada buuraha Calmiskaad, gaar ahaan aagga togga Jeceel oo shalay dagaallo xooggan ka dhaceen.

Sidoo kale, Saraakiisha hor kaceysa dagaalka ayaa sheegay in jab xooggan ay gaarsiiyeen  Daacish, waxa ayna sheegeen in ay wadaan howlgal sifeyn ah oo ay kusoo afjarayaan firxadka kooxda Daacish.

Dhanka kale, saraakiisha ayaa sheegaya in ciidamada Puntland howlgalladii ugu dambeeyay ay ku dileen ku dhawaad 50 xubnood oo katirsanaa kooxda Daacish, kuwaa oo isugu jira ajaaniib iyo Soomaali.

Saraakiisha waxaa kaloo ay ballanqaaden  in ay soo bandhigayaan meydadka kooxda Daacish ee lagu laayay howlgalladii shalay iyo maanta ka dhacay buuraha ay gabbaadka ay ka dhiganayaan kooxda Daacish.

Sikastaba, howlgalka ciidamada Puntland ka wadaan dhulka buuraha ay ku sugan yihiin Daacish, ayaa hadda maraya wajigii labaad, waxa ayna kooxda Daacish la kulmayaan weeraro isugu jira cir iyo dhul.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News