SO | EN

SO | EN

Ciidanka Puntland oo lawareegay guri ay daganaayeen saraakiisha kooxda Daacish

|

Calmiskaad (KAAB TV) – Ciidanka geesiyaasha Puntland, ayaa maanta lawareegay deegaanno iyo xarumo ay kooxda Daacish ku lahaayeen buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Sidoo kale, Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegtay in deegaannada ay la wareegeen ugu tageen guri ay degnaayeen qaar kamid ah saraakiisha Daacish gaar ahaan kuwa ajaaniibta ah, kuwaa oo la qariyay si aan loo arag loona aqoonsan.

“Ciidanku waxay tageen Guri dhulka hoostiisa ah, oo ay deganaayeen xubnaha sarsare ee Argagixisada Daacish. Waxay u sameyen tubooyin lagu neefsado, Shiraac ayaa la saaray kadib korkiisa dhir ayaa lagu beeray, kor wa beer!” Ayaa lagu yiri war kasoo baxay howlgalka ciribtirka iyo la dagaalanka Daacish.

Dhanka kale, Warka kasoo baxay howlgalka ciribtirka Daacish, ayaa lagu sheegay in ciidamada heleen lana wareegeen warshadii qaraxyada iyo gawaarida ee laheyd Daacish, goobtaasi oo qaraxyada lagu diyaarin jiray.

“Ciidanku waxay heleen xarunta Warshadii Qaraxyada iyo Gawarida ee Argagixisadu laheyd, oo la duqeeyay 14 Feb2025, burbur ayaa ka muuqda” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay howlgalka ciribtirka iyo la dagaalanka argagaxisada ee Daacish.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News