Boosaaso (KAAB TV) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay ciidanka Puntland, ay ka sameyeen deegaano ku yaalla buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Howlgalka ayaa la sheegay in deegaano hor leh laga saaray Khawaarijta Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa buuraha Calmis-kaad ee gobolka Bari.
Howlgalka oo ahaa mid dhowr jiho ah oo ay qaadeen Daraawiishta Puntland ayay ku guulaysteen in ay Daacish ka saaraan aagga deegaanka Curaar oo ka mid ah saldhigyadii ugu muhiimsanaa ee argagaxisadu haysatay.
Ciidanka ayaa goobta ugu tagay gawaari iyo mootooyin ay ku habsadeen duqeymihii ugu dambeeyay ee laga fuliyay buuraha gobolka Bari, waxaana sawirrada laga soo qaaday ay muujinayaan in jabka xooggan lagu gaarsiiyay weerarkaasi kooxda Daacish.