Calmiskaad (KAAB TV) – Hawlgal xooggan oo ay aroornimadii hore ee saaka qaadeen ciidamada Puntland ayay ku dileen in ka badan 40 dagaallame oo ka tirsan kooxda Daacish.
Sidoo kale, saraakiil ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa sheegay in ilaa iyo hadda la dilay in ka badan 40 dagaallame oo ka tirsan mileeshiyaadka Daacish islamarkaana uu weli socda hawlgalka ciidamadu ku sifaynayaan kooxdaasi.
Dhanka kale, hawlgalka oo ka socda degaanka Haraaryo ee togga Jeceel ayaa durba ciidamada difaaca Puntland ku soo bandhigeen qeybta kowaad meydadka Argagixisadii saaka lagu dilay dagaalka waxaana saraakiishu sheegayaan in ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo kooxda laga furtay.
Sikastaba, ciidamada Puntland howlgalka ay saakay wadaan ayaa kusoo aadaya xilli xalay duqeymo culus lagu garaacay fariisimo dhowr ah oo ay buuraha Calmiskaad kaga sugnaayeen kooxda Daacish.