SO | EN

SO | EN

Ciidanka Uganda oo askartii ugu badneyd looga dilay dagaalkii Bariire

|

Bariire (KAAB TV) – Ciidamada Midowga Afrika ee ka socda dalka Uganda ayaa khasaare kala kulmay howlgalkii ugu dambeyn sababay in magaalada Bariire dib loo qabsado Jimcihii.

Sidoo kale, ugu yaraan 17 askari oo ka tirsan ciidanka Uganda ayaa dhintay kuwaas oo ay ku jiraan lix askari oo toddobaadkan ku dhintay qarax gaari oo lagu weeraray sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan dowlada Ugandha

Dhanka kale, afar dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa nolosha lagu qabtay intii lagu jiray wajigii ugu dambeeyay ee lagu qabsanayay magaalada.

Qabsashada Bariire waxaa ka horreeyay in dib loo xoreeyo tuulooyinka Sahaayid iyo Anole. Tallaabada xigta waxay noqon doontaa qabsashada magaalada Awdheegle, taas oo saraakiisha milatarigu saadaalinayaan in ay noqon doonto howlgal adag.

Sikastaba, dib-u-qabsashada Awdheegle waxay noqon doontaa guul weyn maadaama ay ku soo celinayso gacanta dowladda dhammaan shanta buundo ee muhiimka ah ee gobolka, sidoo kalena ay Al-shabaab ku riixi doonto dhinaca waqooyi ee wabiga Shabeelle.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News