Ciidanka Uganda oo ka guuray saldhigga Bariire xilli weerarada Al-Shabaab soo kordhaayaan

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa billaabay wajigiisii ​​saddexaad ee dhimista ciidamada, iyagoo toddobaadkan ku wareejiyay saldhiggii ay ku sugnaayeen ciidamada Uganda ee degmada Bariire (FOB) ee gobolka Shabeellada Hoose.

Saldhigan ayaa waxaa horay ugu sugnaa ciidamada Uganda, wuxuuna ka mid ahaa kuwa muhiimka ah ee laga ilaaliyo buundada Bariire oo ay hore Shabaab weeraro ula beegsadeen.

Brig. Gen. Anthony Lukwago Mbuusi oo ah Taliyaha ATMIS ee dalka Uganda ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay maamulka FOB-da Maj.

Muxudiin Axmed oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA). Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa saraakiil sar sare oo ka kala socotay labada ATMIS iyo SNA, waxaana kormeerayay Col. Suleymaan Ibraahim oo wakiil ka ahaa Taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS ee dhanka Taakuleynta iyo Saadka.

Bayaan ay soo saartay ATMIS waxay ku sheegtay in wejiga saddexaad ee dhimista ay waafaqsan tahay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2628 (2022), 2670 (2022), iyo 2710 (2023), kaasoo u baahan in ATMIS lagu dhimo ciidamadeeda 4,000 oo askari dhammaadka bisha June. 2024.

“Wejigan seddexaad wuxuu daba socdaa si guul ah oo loo dhammeeyay labadii waji ee hore, oo la soo gabagabeeyay Juun 2023 iyo Janaayo 2024, inta lagu gudajiray ATMIS waxay hoos u dhigtay ciidamadeeda 5,000 waxayna ku wareejisay 17 FOBs,” ATMIS ayaa tiri.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa kordhisay weerarada guracan ee ay ka geysanayaan Koonfurta Soomaaliya.

Sabtidii, ayay ahayd markii maleeshiyada ay weerar ku qaadeen Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, halkaasi oo ay ku dileen Taliye ciidan. Axadii, sidoo kale Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Hoose.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News