SO | EN

SO | EN

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lawareegay deegaanka Geel-gub

|

Geelgub (KAAB TV) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya  oo garab ka helayo  kuwa dadka deegaanka, ayaa saakay oo Arbaco ah hawlgal qorshaysan waxa ay ka fuliyeen  deegaanka Geel-gub ee katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, deegaankaas oo gacanta ugu jiray kooxda Al Shabaab.

Sidoo kale, ciidamada huwanta ah, ayaa dhowr jiho ka weeraray deegaanka Ceel-gub oo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Al Shabaab, waxa ayna ciidamada u suurto gashay in halkaasi ka saaraan maleeshiyaadka Al Shabaab.

Dhanka kale, Saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka hoggaamineysa, ayaa sheegay in howlgalka ay kula wareegeen deegaanka Ceel-gub oo halkasina khasaarooyin badan lagu gaarsiiyay kooxda Al Shabaab, ayna wali sii eryanayaan firxadka kooxdaasi.

Sikastaba, Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka, ayaa bilaabay howlgallo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxa ayna ciidamada shalay dagaal xooggan la galeen kooxda Al Shabaab oo ay ku weerareen deegaanka Aboorey oo katirsan gobolka Hiiraan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News