Sidoo kale, Ciidamada ayaa magaalada kawada hawlgal lagu xaqiijinayo amniga, miinooyinkana looga saarayo.
Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa sidoo kale la wareegay deegaano balaaran oo ay ka mid yihiin Jaaw, Daadaale, Gal qoryaale, Bidda Ciise, iyo goobo kale .
Al-shabaab ayaa isku dayay inay difaacdaan magaalada, waxaana meel 8-km u Jirta wabxo ka dhacay dagaal kaasoo ugu dambeyn looga taag roonaaday.
Dhanka kale, Ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka ayaa gulufkaan cusub ee hadda socda waxa ay xoogga ku saareen sifeynta keymaha iyo dhulka hawdka ah ee ku teydsan jidadka la isaga gudbo goballada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud.
Istiraajiyada howlgalkan ayaa loogu talagalay in cuddudda Al-Shabaab lagu wiiqo dagaallo toos ah oo duurka lagula galayo, si hal mar loogu wada jebiyo duur iyo deegaannaba, loogana wada saaro goballada Dhexe.
Howlgalladii hore ee magaalooyinka badan lagu soo xoreeyay ayaa waxa barbarsocday halista weerarro waxyeello badan geystay oo ay Al-Shabaab ku soo qaadi jirtay deegaannada ay marka hore isaga baxdo. Waxayna taas ahayd dhaliil weyn oo dadka arrimaha milatariga yaqaana ay u jeedinayeen qorshaha dagaal ee dawladda.