Galcad (Kaab TV) -Ciidanka kumaadooska Danab iyo kuwa dib uxoreynta ayaa galabta howlgalo ka sameeyay deegaano katirsan gobolka Shabeellada dhexe .
Ciidanka ayaa cagta mariyay goobo ay gabaad ka dhiganayeen Al-Shabaab, halkaas oo la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay kooxdu soo dhoobtay dagaalyahano badan.
Howlgalka ugu culus wuxuu galabta ka dhacay degaanka Ceel-Cali-godle oo dhanka waqooyi kaga beegan degaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkii maanta ayaa sheegay inay burburiyeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Ceel-Cali-godle ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay in qoysas reer miyi ah ay deegaankaas ka raacdeeyeen, si aan loo helin xogtooda, balse waxaa la sheegay inay maanta carareen, markii ay ka war-heleen in ciidanka dowladda uu ku soo duulay.
Ciidanka qaranka oo ka tallaabay gobolka Shabeellada Dhexe, gudahana u galay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud oo waligood ay Al-Shabaab maamulayeen ayaa isku diyaarinaya xoreynta qeybaha ay gobollada ka joogto kooxdu.
Wixii ka dambeeyey markii kooxda Al-Shabaab ay ciidanka ku weerartay deegaanka Budbud oo lagu dilay askar badan gaadiid badana ay ku gubeen, waxaa hakaday dhaqdhaqaaqii ciidanka, waxayna hadda u muuqataa in kaliya ay is difaacayaan.