Shabeellaha Dhexe (Kaab TV) –Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyay deegaanno hoostaga gobolka Shabeellaha Dhexe sida ay ku warantay idaacadda Ciidanka Militariga Soomaaliya.
Howlgalkan oo ahaa mid sifeyn ah ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidanka Kumaandooska Danab iyo Kumaandooska Gor-Gor, kuwaas oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.
Warbaahinta ciidanka Xoogga ayaa Ujeeddada howlgalka ku sheegtay inuu ahaa mid lagu baacsanaayay haraadiga dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya dhulka miyiga ah.
Deegaanka laga fuliyay howlgalka ayaa hoostaga deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuuna qiyaastii 10 KM u jiraa halkaas, Ciidamada ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaanno iyo howlgallo sifeyn ah oo lagu xaqiijinayay amniga deegaanka.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee ay ciidamadu wadaan si dalka looga ciribtiro kooxda Al-Shabaab, isla markaana loo sugo amniga shacabka Soomaaliyeed.

