SO | EN

SO | EN

Ciidanka xoogga dalka oo howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay gobolka Baay

|

Baydhabo (Kaab TV) –Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo wado nadiifin ah oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ka sameeyeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ee gobolka Baay.

Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamadu ku beegsadeen goobo iyo gabaadyo Al-shabaab ku laheyd deegaano dhowr ah oo u dhaxeeya Buurhakaba iyo Baydhabo oo la tilmaamay in kooxdu dadka shacabka ah ku dhibaateyn jireyn.

Howlgalkan oo uu hoggaaminayay Taliyaha  guutada 8-aad ee qeybta 60-aad Gaashaanle Cali Maxamed Aadan ayaa sidoo kale ciidanku waxay wadada kaga saareen miinooyin halis ku ahaa dadka shacabka ah oo Al-shabaab ku aaseen wadooyinka muhiimka ah.

“Hawlgalka oo lagu bartilmaameedsaday sifeynta khawaarijta, ayaa ciidanku ka hortageen dhagaro ay khawaarijtu u diyaariyeen shacabka, iyagoo wadada ka saaray miinooyin halis gelin lahaa nolosha dadka iyo isu-socodka gaadiidka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Taliyaha guutada 8-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalka uu kusoo dhamaaday si guul ah, islamarkaana ay sii wadayaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud ahaan deegaanada gobolka Baay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News