SO | EN

SO | EN

Ciidanka Xoogga dalka oo kusii jeeda Wabxo iyo deegaano kale

|

Galgaduud (KAAB TV) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgalo ka sameeyay deegaanno u dhaxeeya deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud iyo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, howlgalka ciidanka xoogga dalka ka wadaan xadka u dhaxeeya Hiiraan iyo Galgaduud ayaa waxaa hoggaaminaya taliyaha guutada Khaalid Bin Waliid Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik, waxaana ciidanka howlgalka ku wehliya ciidamo katirsan ATMIS.

Ciidamada huwanta ah ayaa intii ay howlgalka wadeen waxa ay waddooyinka ka saareen miinooyin badan oo Al-Shabaab dhigeen, waxa ayna wali ciidamada wadaan howlgalka ay ku doonayaan in Al-Shabaab uga saaraan deegaanka Wabxo.

Dhanka kale, Saraakiisha ciidanka horkaceysa ayaa sheegay in ay kusii dhawaanayaan deegaanka Wabxo oo saldhig weyn ku leeyihiin Al-Shabaab, waxa ayna saraakiisha sheegeen in saacadaha soo socda gaari doonaan goobaha Al-Shabaab joogaan.

Howlgalka la doonayo in Al-Shabaab looga sarayo degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaannada hoostaga ayaan wali si rasmi ah bilaaban, waxa ayna ciidamada kusii siqayaan iyaga oon dagaal badan gelin goobaha Al-Shabaab joogaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News