Xarardheere (KAAB TV) – Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kumaandooska Gorgor iyo qeybta 21-aad iyo ciidamadda deegaanka, ayaa fuliyay howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, waxaana howlgalkan laga fuliyay deegaano ay kamid yihiin Tuulo Xaaji iyo Tuulo Cadad ee hoostaga degmada Xarardheere.
Sidoo kale, hhowlgalkan qorsheysanaa oo ciidamada huwanta ah wadeen saddex maalin oo xariir ah ayaa looga gol lahaa ka hortagga weeraro ay soo qaadaan kooxda Al-shabaab, waxa ay sidoo kale ciidamada tagayeen deegaanno lagu sheegay in kooxda Al-shabaab dhuumaaleysi ku yimaadaan.
Dhanka kale, Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan ayaa sheegay in ay heleen xogta dhagaro ay maleegayaan kooxda Al-shabaab, waxa ayna xuseen in ciidamada diyaar u yihiin kahortagga dhagar kasta ay shacabka u maleegayaan kooxaha argagaxisada ah.
Ugudambeyn, Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka ee ku sugan degmada Xarardheere, ayaa xilliyada qaar sameeya howlgallo ay uga hortagayaan weeraro ay kooxda Al Shabaab ka fuliyaan deegaanno hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.