MUQDISHO (Kaab TV) – Soomaaliya waxay sannadihii u dambeeyay la kulmeysay cimilad aad u daran oo aan la saadaalin karin, iyadoo abaaro joogto ah ay burburiyeen bulshooyin badan oo dalka ka tirsan. Caafimaadka deegaanka ee liita ayaa burburiyay dalagyada, dilay xoolaha, isla markaana sii xumeeyay amniga cuntada, taasoo qasabtay in kumanaan qoys ay ka cararaan guryahooda si ay u helaan biyo, cunto, iyo nabad.
Barakacayaasha gudaha (IDPs) hadda waxay ku nool yihiin hoyyo ku meel gaar ah oo ay ku yar yihiin adeegyada aasaasiga ah, iyagoo la tacaalaya sidii ay u badbaadi lahaayeen xilli xaaladaha bani’aadamnimada ay sii xumaanayaan.
Haddii xaaladaha abaartu sii socdaan, qiyaastii 4.4 milyan oo qof ayaa halis ugu jira gaajo, sida ay sheegayaan falanqaynta dhowaan ay sameeyeen Qaramada Midoobay iyo Dowladda Soomaaliya.
Guud ahaan, qiyaastii 4.6 milyan oo qof oo Soomaaliyeed ayaa wajahaya heerar sare oo cunto-yaraan ah iyagoo ku dadaalaya sidii ay u dabooli lahaayeen baahiyahooda aasaasiga ah ee cuntada.

