HARGEYSA (Kaab TV) – Madaxweynaha Somaliland, Candiraxmaan Cabdillaahi Cirro ayaa kulan uu la yeeshay maanta ganacsatada Somaliland u sheegay inuu ku wajahan yahay magaalada Beerigaabo dhowaan.
Xukuumadda Somaliland ayaa bilawday gogosha Ceerigaabo taasoo lagu doonayo in lagu nabadeeyo gobolka Sanaag ka dib colaadihii beelaha ee dhowaan ka dhacay deegaanno ka mid ah Sanaag oo ay ku jirto Ceerigaabo, oo ah xarunta gobolka Sanaag.
War saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland, oo uu ku saxiixnaa Afhayeenka Xuseen Aadan Deyr, ayaa lagu sheegay in ujeedada gogosha nabadda Ceerigaabo ay tahay sidii loo soo afmeeri lahaa colaad beeleedyada gobolka Sanaag.
Mas’uuliyiin ku sugan gobolka Sanaag ayaa u xaqiijiyay Kaab TV in wafdiga madaxweyne Cirro ay ku wajahan yihiin Ceerigaabo halkaasoo si rasmi ah madaxweynuhu uga furi doono gogosha nabadda ee beelaha Warsangali iyo Habar Jeclo.
Somaliland ayaa dhowaan kala hadashay Puntland arrinta gogosha nabadda Ceerigaabo, waxaana Kaab TV ay ilo wareedyadu u xaqiijiyeen in labada dhinac ay ka wada shaqeynayaan sidii xaalka gobolka Sanaag nabad loogu soo dabaali lahaa.
Puntland iyo Somaliland ayaa hadda isku aragti ka ah xaaladda gobolka Sanaag, ka dib markii maamulka cusub ee Waqooyi Bari uu dhowaan sheegay in deegaannada Sanaag ay ka tirsan yihiin maamulkooda, taasoo Puntland iyo Somaliland ay diiddan yihiin.

