Antananarivo (Kaab TV) – Col Michael Randrianirina, oo horay u ahaa maxbuus, ayaa loo dhaariyey madaxweynaha cusub ee dalka Madagascar, maalmo kaddib afgambi ciidan oo lagu beddelay xukunkii dalka yar ee yaalla bartanka Badweynta Hindiya.
Randrianirina ayaa uga mahadceliyey dhalinyarada waddooyinka ku mudaaharaaday ee ka horjeestay xukunkii hore toddobaadyadii la soo dhaafay, kuwaas oo sababay in madaxweynihii hore Andry Rajoelina uu dalka ka cararo, ugu dambayntiina laga xayuubiyo xilka.
Xafladda dhaarinta ayaa ka dhacday Maxkamadda Dastuuriga ee caasimadda Antananarivo, halkaas oo dadweyne fara badan isugu soo baxay, oo ay ku jireen kuwii hormuudka ka ahaa mudaaharaadyada.
“Maanta waa maalin taariikhi ah oo beddelaysa jihada dalkeenna. Shacabkeennu oo ay ka buuxdo rabitaan isbeddel ayaa furaya bog cusub oo farxad leh nolosha qaranka,” ayuu yidhi Randrianirina.
Dalka Madagascar ayaa haatan galaya marxalad kala-guur siyaasadeed oo ay ka buuxaan hubanti la’aan iyo caqabado sharciyeed, inkastoo dad badani ay rajo ka muujinayaan hoggaaminta cusub ee Col Randrianirina.
Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga, Florent Rakotoarisoa, ayaa dhaliilay beesha caalamka ka dib markii cambaareyn loo jeediyay dhacdada afgambiga, wuxuuna ku dooday in aan la jebin dastuurka, balse uu dastuurka laftiisu sababay qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ka dhacay.
Dadka mudaaharaadayay waxay markii hore rajaynayeen in Rajoelina uu si fudud xilka uga dago si loo helo kala-guur dimoqraadi ah, balse wuu diiday, wuxuuna kala diray xukuumaddiisa isagoo isku dayay wadahadallo kala duwan, kuwaas oo aan xasilin shacabka.
Dibadbaxyadu waxay bilowdeen bishii hore, waxaana hormuud ka ahaa dhaqdhaqaaq dhalinyaro oo la baxay Gen Z Mada, kuwaas oo ka caraysan koronto la’aan iyo biyo yari joogto ah.
Markaas Col Randrianirina wuxuu ahaa taliyaha cutubka gaarka ah ee ciidanka CAPSAT. Talaadadii ayuu amray ciidankiisii inay ku biiraan kumannaan mudaaharaadayaal ah oo ku sugnaa caasimadda, wuxuuna ku dhawaaqay in militarigu xilka la wareegayo ayna qaban doonaan doorashooyin laba sano gudahood.
Ururrada dimuqraadiyadda taageera, gudaha iyo dibaddaba, ayaa haatan si dhow u eegaya in ballanqaadkaas la fuliyo.
Sida ay baahisay wakaaladda Reuters, muusig iyo fanfaro ayaa ka yeeray xafladda dhaarinta markii Randrianirina uu qaaday dhaartiisa xilka, isagoo ballanqaaday inuu “xooggiisa oo dhan u huri doono difaaca midnimada qaranka iyo xuquuqda aadanaha.”
Isagoo xiran shaalka iyo xiddigta madaxtinimada, ayuu mar kale ku celiyey inuu doonayo isbeddel dhab ah:
“Waxaan gacmaha is qabsan doonnaa dhammaan xoogagga qaranka si aan u diyaarinno dastuur cusub,” ayuu yidhi, isagoo sheegay in dib-u-habayn doorasho la samayn doono ka hor inta aan la qaban doorashooyin cusub.
“Waxaan go’aansannahay inaan jebinno nidaamkii hore. Ujeeddada ugu weyn waa dib-u-habayn buuxda oo lagu sameeyo hay’adaha maamulka, dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka.”
Kadib xafladda, Randrianirina ayaa saxaafadda u sheegay inuu bilaabi doono baaritaan ku saabsan shirkadda dawliga ah ee biyaha iyo korontada, Jirama.

“Maanta iyo berri waxaan eegi doonaa xaaladda shirkadda Jirama — waxa ka jira iyo dhibaatooyinka hadda taagan. Baaritaankan wuxuu ujeedkiisu yahay in laga hortago dhibaatooyin kale mustaqbalka. Taasi waa mudnaanta koowaad ee bulshada,” ayuu yidhi.
Wuxuu intaas ku daray in mudnaanta labaad ay tahay beeralayda bariiska, iyadoo lagu jiro xilli beerasho, halka tan saddexaad ay tahay magacaabista ra’iisul wasaare iyo samaynta xukuumad cusub.
Sida wadamo kale oo hore u gumaysan jiray Faransiiska ee Afrika oo afgambiyaal dhowaan ka dhaceen, waxaa la rumeysan yahay in xiriirka Faransiiska uu is beddeli karo, iyadoo la saadaalinayo in xukuumadda cusub ay xiriir dhow la yeelato Ruushka.
Waa kuma Col Michael Randrianirina?
Col Michael Randrianirina waa shaqsi aan si weyn loo aqoon, inkastoo uu madax ka noqday cutubka ugu awoodda badan ciidanka dalka.
Wuxuu ku dhashay 1974 tuulada Sevohipoty ee gobolka koonfureed ee Androy. Wuxuu guddoomiyaha gobolka Androy ahaa intii u dhaxaysay 2016 iyo 2018 xilligii madaxweynihii hore Hery Rajaonarimampianina.
Kadibna wuxuu taliyaha u noqday cutub ciidan oo ku sugan magaalada Toliara ilaa 2022. Wuxuu ahaa mucaarad adag oo Rajoelina ah — ganacsade hore oo xukunka la wareegay afgambi 2009-kii, ka degay 2013, haddana dib ugu soo laabtay doorashadii 2018.
Randrianirina ayaa la xiray bishii November 2023 isagoo lagu eedeeyay inuu kiciyey askar iyo inuu qorsheynayey afgambi.
Waxaa lagu hayay xabsi amni oo adag iyadoo aan la maxkamadeyn, taasoo dhalisay mudaharaadyo ay ka qaybqaateen arday, saraakiil iyo siyaasiyiin ku doodayey in lagu xiray sababo siyaasadeed. Wuxuu xabsiga ka baxay bishii February 2024.

